Ciidamada dowladda oo weeraray Idaacadda Mustaqbal

Muqdisho (RH)-Maamulka Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay galen maanta xarunta Idaacadda iyagoo jirdilay mid ka mid ah weriyayaasha isla markaana qaatay qalab yaalay Idaacadda kuwa kalena burburiyay.

Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal, Axmed Ciise Guutaale oo la hadlay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in saaka waabarigii Idaacadooda ay yimaadeen ciidamo ka tirsan dowladda ayna burburiyeen qalab yaallay xarrunta kuwa kalena qaatay.

Waxa uu sheegay in illaa hadda aaney ogeyn sababta Idaacadda loo soo weeraray iyo waxa loo heesto.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha ammaanka oo ku aadan sababaha loo weeraray Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah idaacadaha maxalliga ah ee dalka.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa cakiran iyadoo degmooyinka ku yaalla ay ka billowdeen barakac baahsan oo ay sameenayaan dadka shacabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category