Sheekh Shariif oo u guuray xaafad cusub iyo qorshaha mucaaradka oo xoogeystay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay u guuray oo xarun ka dhigtay Waqooyiga Muqdisho, isagoo kasoo guuray hoygii uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Qorshahaan uu Sheekh Shariif ugu soo guuray Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ah istiraatiyada murashaxiinta mucaaradka ay isugu ballaarinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, si awooda maamul ee dowladda waqtigeeda dhamaaday loo wiiqo.

Madaxweyne Shariif ayaa degay guri ku yaal degmada Cabdicasiis oo aan ka fogeyn guriga uu dhawaan degay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku yaalla isla degmadaasi, gaar ahaan aagga Mirinaayo.

Maalmo ka hor ayaa degmada Cabdicasiis ee uu degay Sheekh Shariif waxaa kaga soo horeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo fariisimo dhowr ah ka sameystay, waxaana barbarka ku haya baro kontorool oo ay maamulaan ciidamo taabacsan Senator Xaaji Muuse Yalaxow.

Qorshahaan ayaa u muuqda mid milateri oo murashaxiinta ay degeen maadaama ay deganaayeen goobo isu dhow dhow oo ku teedsan garoonka diyaaraddaha Muqdisho, una arkeen in deegaanadaasi ay dhexda ugu jiraan kontoroollo ay maamulaan ciidamada dowladda.

Category