Madaxda maamul goballeedyada oo ku shirsan Muqdisho iyo xildhibaanno laga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir u dhexeeya madaxda maamul goballeedyada oo looga hadlayo arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Illaa iyo hadda wax war ah lagama hayo shirka u socda madaxda maamul goballeedyada, laakin ilo ku dhowdhow madaxda ayaa Radio Hormuud u sheegay in madaxda Jubbaland iyo Puntland lagu qancinayo in ay ka soo qeybgalaan shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada ee ka socda xerada ciidamadii cirka ee Afisyooni.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in madaxda Puntland iyo Jubbaland in ay oggolaadeen in ay la kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Xarunta KMG ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shiro

Dhinaca kale, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan seeray xayiraad uu guddoonka ka saaray in ay ka qeybgalaan shanta fadhi ee soo socda.

Warqad uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaannada looga joojiyay iyadoo lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen fadhigga, laakin xildhibaannadaas ayaa sheegay in guddoonka ajande qarsoon ay wateen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category