Goorma ayuu dhacayaa shirka madaxda DFS iyo kuwa maamul goballeedyada?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxa berri oo Isniin ah la filayaa in uu ka furmo shir u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada, waxa magaalada soo gaaray dhammaan madaxda maamul goballeedyada oo ugu dambeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Xasan (Laftagareen).

Lafgareen ayaa ka qeybgali doona shirka berri ka dhacaya xeradii horre ee ciidamada cirka  Afisyooni oo ku dhex taalla xeydaabka aadka loo ilaaliyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Lafgareen ayaa ku maqnaa dalka Turkiga, waxaana agaasimaha warfaafinta xafiiskiisa uu saxaafadda u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku maqnaa howllo shaqo, uuna ku soo laabtay dalka si uu uga qeybgalo shirka berri dhacaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo khilaafka soo jiitamayay tan iyo 17-kii September sannadkii horre ee ku aadanaa hannaanka doorashada ay ku dhaceyso.

Shirkan berri dhacaya waxaa ka horreeyay shirar kale oo uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha, raysal wasaaraha, madaxweynayaasha maamul goballeedyada iyo duqa Muqdisho oo marti loo yahay.

Horrey, waxaa Muqdisho u joogay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, HirShabeelle iyo Galmudug.

Maxaa looga hadli doonaa shirka?

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Radio Hormuud, shirka waxaa la filayaa in ay dood ka dhalato wax yaabaha looga hadlayo, tusaale, dowladda federaalka iyo maamullada raacsan waxa ay rabaan in looga hadlo dhammeestirka heshiiyadii doorashada ee ugu dambeeyay kii ka dhacay magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo sannadka 2021.

Laakin maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa raba in laga hadlo amniga doorashooyinka maadama 19-kii febraayo ee sannadkan Muqidsho ay ka dhaceyn rabshado dad ay ku dhinteen iyo in madaxweyaha uu qoro warqad uu ku muujinayo in uu yahay kusime ee uusan ahayn madaxweyne xilka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category