Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo  laga Helay Xanuunka Covid-19

Hargeysa(RH):-Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ayaa laga helay xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somailand Ahna Gudoomiyaha Gudida ka Hortaga Xanuunka Covid-19 ee Somaliland  oo caawa qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland khadka Telefoonka ugu waramay ayaa xaqiijiyey in uu maalmihii u dambeeyey la tacaalayay Xanuunka Coronavirus xaaladiisa caafimaadna ay hada aad u fiicantahay.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan fariimaha Caafimaad, Waxanu bulshada ka Codsaday in ay u duceeyaan isaga iyo inta kale ee Xanuunsanaysaba.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somailand Ahna Gudoomiyaha Gudida ka Hortaga Xanuunka Covid.19 ee Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  qoraal uu soo saarey waxaa uu ku yidhi:”Waxaan Shacbiga Somaliland la socodsiinayaa in aan la Tacaalayay Sadexdii maalmood ee u dambaysay Xanuunka Covid-19 ,Waxaan Bulshada ku Boorinayaa inay raacaan Tilmaamaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland aniga iyo inta xanuunsana noo soo duceeyaan.

 

Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyey aad looga dareemayay dad badan oo u soo Ritey Xanuunka Coronavirus iyo dad u geeriyoodayba sida ay xaqiijinayso warbixinta maalin laha ah ee ay soo saarto Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland

Category