Baroordiiq loo sameenayo Cali Mahdi Maxamed

Muqdisho (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay baroor diiq saddex cisho oo loo sameenayo madaxweynihii horre ee Soomaali Cali Mahdi Maxamed oo xaley ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Dowladda ayaa sidoo kale guddi saartay aas qaran oo loo sameenayo marxuumka oo xilka ka qabtay sannadkii 1991-dii, xilligaas oo jabhadihii hubeysanaa ay talada ka tuureen xukuumadii Maxamed Siyaad Barre dhowr bilood oo dagaallo u socday.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay ku jiraan wasiiro iyo duqa Muqdisho ayaa u xil saaray aaska marxuumka.

Ehelka marxuumka ayaa sheegay inuu u dhintay xanuunka COVID19.

Meyka Cali Mahdi Maxamed ayaa berri oo Jimco ah la keeni doonaa magaalada Muqdisho, sida uu sheegay duqa caasimadda Cumar Filish.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category