8- February: Xaalka Soomaaliya iyo saaka

Waxaa weli Soomaaliya ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyadoo aan heshiis laga gaariin hannaanka doorashada.

Musharraxiinta xilka madaxweynaha ee mucaaradka ah ayaa sheegay in laga billaabo 8-da February oo maanta ah aanay madaxweyne u aqoonsaneyn Farmaajo, iyagoo ku baaqay in la sameeyo gole qaran oo kumeelgaar ah.

Siyaasiyiinta taageersan Farmaajo ayaa ku doodaya in uu weli yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda illaa laga helayo shakhsi xilkaas loo doortay oo si rasmi ah jagada ugala wareega.

Waxa ay xiganayaan xeer ay labada gole ee baarlamaanka wadajir u ansixiyeen 26-kii September 2020, kaasoo dhigaya in "hay'adaha dastuuriga ee dowladda ay xilkooda sii hayn doonaa illaa inta laga helayo hay'ado kale oo bedala."

Saqdii dhexe ee xalay, waxaa Muqdisho laga maqlay rasaas kooban oo hawada loo ridayay, taasoo aan si rasmi ah loo ogeyn ula jeedka laga lahaa ama cidda rideysay.

Beesha caalamka oo si dhaw ula socota xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin ismari waaga taagan iyo tallaabooyinka ay qaadayaan.

Kulanka baarlamaanka

Golaha shacabka ayaa saaka u ballansan kulan uu uga hadlayo arimo dhowr ah oo aan khuseyn siyaasadaha taagan iyo doorashada, sida lagu sheegay farriin shalay loo diray xubnaha golahaas.

Labada qodob ee ay ka doodayaan ayaa lagu sheegay inay kala yihiin akhrinta saddexaad ee wax kabedalka sharciga waxbarashada iyo warbixin ku saabsan waxqabadkii boqolkii maalmood ee u horreeyay xukuumadda ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasoo xildhibaannada loo qeybin doono.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa xalay kulan la qaatay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay isla meel dhigeen.

 

xigasho BBC

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kamid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay in xaalad hubaanti la'aan ah uu galay dalka, isagoo arintaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo.

"Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la'aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa todobaadkii hore ku soo idlaaday natiijo la'aan, taasoo horseeday in aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada la filayay inay dhacdo.

Category