Tallaalka COVID 19 oo laga billaabayo Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in bisha soo socota goballada dalka laga billaabi doono tallaalka COVID 19.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo maanta ka hadleysay kulan ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo wakiilka WHO ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa sheegtay in tallaalka la geenayo goballada dalka ay maalgalineyso Midowga Yurub iyo hey'adda WHO.

Wasiir Fowsiya ayaa xustay in tallaalka la gaarsiin doono goobaha u dhow xuduudaha, dadka nugul iyo kuwa dagan deegannada barakacayaasha.

Wakiilka WHO ee Soomaaliya, Maxamed Nuur Maalik ayaa sheegay in WHO ay Soomaaliya ka caawineyso siddii looga ciribtiri lahaa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada uu xanuunka soo gaaray waxaana jira dad u dhintay laakin ma cadda illaa hadda tirada saxda ah ee u dhintay xanuunka tan iyo markii lagu arkay kiiskii ugu horreeyay bishii April 2019-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category