Wararkii ugu dambeeyay shirka Dhuusamareeb ka furmaya

Muqdisho (RH)-Magaalada Dhuusamareeb waxaa goordhow oo galabta ah si rasmi ah uga furmi doona shir u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada.

Magaalada waxaa maanta gaaray wafuudii ugu dambeesay oo ay ka mid yihiin duqa Muqdisho Cumar Filish, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa xaley kulamo la qaatay madaxda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee shaley halkaas gaaray.

Shirka waxa uu inuu socdo seddax cisho, waxaana looga hadli doonaa heshiiskii madaxda ay ku gaartay 17-kii bishii December sannadkii, khilaafka arrimaha Gedo, Guddiyada doorashada xubnaha ka immaanaya goballada waqooyi

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan wax yaabaha madaxdu ay ku heshiiyeen.

Shir hordhac ah oo ka socda Dhuusamareeb

Ammaanka magaalada Dhuusmaareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sheegis mudan in madaxda magaalada tegtay mid uu watay ciidamo gaar u ilaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category