Garoona diyaaradaha Muqdisho oo la mamnuucay in hub lala galo

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucay in aanan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lala geli karin wax hub ah.

Wasaaradda amniga gudaha oo warka soo saartay ayaa ku sheegtay in arrintaas loo sameeyay kaddib markii dhowr jeer garoonka gudihiisa ay ka dhaceyn isku dhacyo.

Wasaaraddu waxa warkeeda ku sheegtay in loo oggol yahay oo kaliya hubka in ay la galaan garoonka madaxweynaha dowlada federaalka, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka.

Go’aanka dowladda ay soo saartay ayaa ka hor istaagaya madaxdii horre ee dalka soo martey iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha inay wax hub ah la galaan garoonka diyaaradaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah mucaaradka dowladda madaxna ka ah xisbiga Wadajir, ayaa ku tilmaamay go'aanka dowladda ku tilmaamay mid caddaalad darro iyo culeys ku ah siyaasiyiinta iyo musharixiinta dooneysa xilka madaxweynaha.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro cabsi ay qabaan musharixiinta oo ku aadan in ay ololeyaal ku qabsadaan magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadisho Somalia

Category