Jigjiga oo habeen kii labaad laga cabsi qabo inuu ku hoydo Ayax fara badan

Jigjiga (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay tiro ayax fara badan.

Dadka deeganka ayaa cabsi badan ka muujiyay ayaxa galinkii dambe soo gaaray magaalada Jigjiga.

Dadka magaalada ayaa la arkayay iyagoo garaacayay cagaadaha biyaha iyo agab kale si ayaxa u ceyriyaan.

Warar kale ayaa sheegaya in ayaxa uu gaaray mdegmooyin kale oo ay ka mid yihiin Awbarre iyo Tunni.

Xafiiska beeraha ee dowlad deeganka Soomaalida, ayaa dadaal uu sameeyay waxa uu ku guuleystay in ayaxa laga ceyriyo magaalada Jigjiga, waxaana ayaxa uu ka tegay koronkor kale taasoo caqabad ku keeni karta deeganka.

Waa markii ugu horreysay oo ayax farabadan lagu arko magaalada Jigjiga, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socda dedaalo looga hortagayo ayaxa soo gaaray magaalada iyadoo la adeegsanayo dad ku xeel dheer arrimaha beeraha.

Magaalada Jigjiga kuma koobna ayaxa lagu arkay Itoobiya, magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ayaa lagu arkay ayaxaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga, Ethiopia

Category