Banaadir iyo Galmudug oo berri ku ballansan cayaarta Fiinaalka

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku shiray wasiirka cayaaraha iyo dhallinyarad Soomaaliya, madaxda maamul gobalka Banaadir, taliyaha booliska iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu go'aamiyay in berri oo Khamiis ah la cayaaro kulanka kama dambeeska ah ee cayaaraha kubadda cagta maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Cayaarta Fiinaalka ayaa waxaa ku ballansan kooxaha Banaadir iyo Galmudug oo ka soo baxda tartan u dhexeeyay lix kooxood oo kala matalaya maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir.

Cayaarahan ayaa xiiso iyo hadal heyn farabada ka dhaliyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda jooga, iyadoo dadku ay kala taageerayaan kooxaha ku tartamaya koobka oo ah mid sannadkiiba mar la qabto.

Cayaaraha maamul goballeedyada ee ka socday Garoonka Ing Yariisow ee magaalada Muqdisho ayaa waxa u daawasho tega taageerayaal fara badan iyadoo mararka qaar la arko taageerayaal garoonka uu ka buux dhaafay oo cayaarta ka fiirsanaya geedaha iyo anteenooyinka ku yaalla agagaarka garoonka, taasoo muujineysa sida cayaaraha ay u jecel yihiin dadka Muqdisho gaar ahaan dhallinyarada.

Garoonka Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho

Sidoo kale, cayaarahan ayaa qaali ka dhigay calamada ay lee yihiin maamul goballeedyada ee ka dhisan Soomaaliya iyo dharka Sportiska ee ku buufsan cayaaraha dowlad goballeedyada.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

Category