Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaiyeed oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii saddexaad ka socda shirweynaha dhalinyarada Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan dhallinyaro ka kala timid goballada dalka iyo dibadda.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya ururo ay lee yihiin dhallinyarada Soomaaliya, wasiirada dhallinyarada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goballeedyada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.

Shirka ayaa furitaankiisa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka iyo doorka ay dhallinyarada ka qaadan karaan doorashada iyo dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada qaranka, Cabdixafiid Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa furitaanka shirka ka sheegay maadama lagu guda jiro xilli kala guur ah loo baahan yahay in aysan ku milmin siyaasiyiinta isku haya doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Waxa uu sheegay in dhallinyarada ay ku haminayaan in dalkan ay difaacaan kana qeybqaataan horumarkiisa.

Shirka dhallinyarada Muqdisho

Wasiir ku xigeenka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay fursad siiyay dhallinyarada si ay uga soo muuqdaan hey'addaha dowladda, garsoorka iyo hey'addaha ammaanka.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo Caamir ayaa dowladda ku ammaantay sida ay fursad u siisay dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha.

Ugu dambeyn, wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha, Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in dalka uu u dhaqaayo doorasho dadban loona baahan yahay in dhallinyarada ay codka siiyaan qofka danta u ah.

Shirka dhallinyarada Muqdisho

Wasiirka ayaa xusay in dhallinyarada ay door ka qaateen dagaalladii ka dhacay, laakin hadda loo baahan yahay in ay ka qeybgalaan dib u dhiska waddanka.

Shirkan oo ah mid sannadleh ah, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qodobda looga hadlay saddexdii cisho ee la soo dhaafay.

Waxaaa shirka intii uu socday lagu lafaguray sidii dhallinyarada looga wacyigalin lahaa afkaarta xagjirka iyadoo ay dhallinyarada waayahan aysan ku mideesneen arrimaha guud waayo kuwa badan ayaa ku biiray Al-Shabaab iyo Daacish.Shirka dhallinyarada Muqdisho

Shirka dhallinyarada Muqdisho

Shirka dhallinyarada Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category