Dowladda Soomaaliya oo heshiis dayn cafin ah la saxiixatay Denmark iyo Netherland

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxiixatay waddamda Denmark, Ingiriiskaiyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sheegay in saxiixaan uu daba socda go'aankii ka soo baxay shir dhacay 31-kii bishii Maarso 2020 oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan.

Wasiirka ayaa sheegay in waddamada ay heshiiska lagaleyn ay oggolaadeen in ay cafiyaan deymaha ay ku lee yihiin Soomaaliya oo ka soo kabanaysa colaado iyo burbur.

Lacagta saddexda dal ay ka cafimayaan Soomaaliya ayaa gaareysa $69.9 million, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya oo lagu leeyahay shan bilyan oo dollar oo dayn ah ayaa maraysa wajiyadii ugu dambeeyay ee qorshaha dayn cafinta, waxaana horrey deymo uga cafiyay waddamo dhowr ah oo malaayiin dollar ku lahaa.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda ku sugan waddanka Turkiga.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category