Dowladda Soomaaliya oo ku eedeesay Kenya in ay abuureyso jabhado hubeysan

Muqisho (RH)-Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ku eedeesay Kenya in ay abaabuleyso jabhado ku kaca dowladda federaalka isla markaana ay wado faragalin.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo la hadlay saxaafadda ayaa u akhriyay bayaan ka soo baxay dowladda, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ilaalineyso daris wanaaga dalka Kenyana ay kafileyso sidaas.

"Maanta oo la joogo 2020 haddii Kenya ay soo abuubuleyso jabhad ayna keeneyso xuduudda Mandheera ayna lee dahay Soomaaliya ku duuleysaan waa nasiib darro"ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay si kasta oo xiriirka labada wadan uu go'an yahay in ay ceeb ku tahay dowladda Kenya in ay abaabusho jabhad dagaal ku soo qaada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Kenyso ay hubeneyso wasiir ka tirsan Jubbaland oo la yiraahdo Cabdirashiid Jannan kaasoo horrey uga baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo ku yaalla Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya xiriirkooda waayahan ma wanaagsaneen, waxaana markasta Kenya ay lee dahay anaga ma jirto wax faragalin ah oo aan ku heyno Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category