Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorshe looga hortagayo fatahaadaha Wabiyada

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqday qorshe looga hortagayo fatahaadaha Wabiyada Shabeellle iyo Jubba oo sannad kasta dhaca, kuwaasoo saameyn ku yeesha dadka deggan deegannada ay labadaas wabi maraan.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay diyaarinayso qorshe looga hortagaayo fatahaadaha ay wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka gaystaan goobaha ay ka maraan goballada dalka.

Wasiir Jamaal ayaa sidoo kale xusay in ay diyaarinayaan qorshe wax looga qabanayo Ayaxa oo xaalufin ba’an ku haaya dalagyadii kuyaalay beeraha gobalada dalka kaas oo dhawaan soo gaaray qaybo kamid ah Muqdisho.

Wasiirka qosheynta ayaa waxa uu sheegay in hay’daha xogaha ka qora Soomaaliya aysan faafin karin xog aysan qorin hayadda Istaatikada qaranka , si aan waddanka looga qorin wax aan munaasib ahayn.

Sannad kasta dad fara badan ayaa ku barakaca fatahaadaha ay sameeyaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana jirin qorshe lagu maareeyo biyahaas ay wabiyada wadaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category