Maxaa ka cusub Jowhar oo lagu dooranayo guddoomiye baarlamaan?

Jowhar (RH)—Xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo ah baarlamaankii labaad uu yeesho maamulkaas, ayaa goordhow oo galinka dambe maanta ah waxa ay dhageysan doonaan khudbadaha ay soo jeedinayaan musharixiinta u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka, ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad.

Waxaa tan iyo xaley ka socday kulamo ay wadeen musharixiinta kuwasoo ka dhaadhicinaya xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle in ay doortaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u tartami doona labo mudane, maalinta berri marka ay dhacdo doorashada, sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u tartamaya labo mudane, halka sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa u tartamaya labo mudane oo ay ku jirto gabar.

Xildhibaannada ayaa dooran doona saddex mudane oo u kala tartamaya xilka guddoonka, ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad.

Hannaankan ayaa soo billowday toddobaadkii horre, xilligaas oo odayaasha ay soo xuleen baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo doortay qofka ugu da'da weyn.

Doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa xigi doonta doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynihii Hirshabeelle Maxamed Cabdiwaarre

Dhinaca kale, madaxweynihii Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waarre ayaa xaley qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu is casilay, isagoo sheegay in dhismaha baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle uu ku soo aaday  iyadoo dalka uu ku jiro xilli doorasho.

"Waxaa soo jeediyay in doorashada Hirshabeelle dib loo dhigo doorashada federaalka, laakin waxa uu sheegay in arrintaas aysan weysay isla markaana uu billowday kala boobid, waxa uu sheegay in dowladda ay ku lug lee dahay arrintaas" ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu ka dhammaaday muddo xilleedkiisa, in kastoo madaxweynihii ka horreeyay Cali Cabdullaahi Cosoble oo xilka hayay hal sanno uu ku baxay mooshin ay xildhibaannada ka keeneen.

Saddexdii sanno ee u haray ayaa dhammeeyay, waxaana jira khilaaf u dhexeeyay beelaha ku mideysan maamulka Hirshabeelle.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu, Somalia

 

Category