In ka badan 100 qof ayuu cudurka Corona Feyris ku dhacay Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta sheegtay in shantii maalin ee la soo dhaafay cudurka Corona Feyris laga helay dad ka badan 100 qof, taasoo muujineysa in weli cudurka safmarka ah uu ku faafayo dalka.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray dad gaaraya 2701 qof, waxaana kiisaska ugu badan laga diiwangaliyay deegannada Puntland halkaasoo laga soo sheegay kiisaas gaaraya 134 qof, taasoo ka dhigaysa in tirada ugu badan ee xanuunka ay ku nool yihiin Puntland.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in 20 ka mid ah  dadka xanuunka laga helay ay ku nool yihiin Somaliland.

Gobalka Banaadir labo qof ayaa laga helay, halka Galmudug laga helay hal kiis shantii maalin ee la soo dhaafay. Sidoo kale 46 qof ayaa ka bogsaday xanuunka.

Isla sida ku cad warbixinta wasaaradda caafimaadka, shantii cisho ee ka horreysay waxaa kiisaska ugu badan xanuunka laga soo weriyay Puntland 85 qof ayuu ku dhacay.

Si kastaba, warbixinta wasaaradda caafimmaadka ayaa muujinaya in weli cudurka uu ku fidayo Soomaaliya, iyadoo dadka aad moodo in la dhaho cudurka waxaa uu ka dhammaaday dalka maadama la iska dhigay tilmaamaha xakameynta cudurka.

Soomaaliya si caadi ayey dadka isku dhex sodaan, waana dhif iyo naadir in aad aragto qof diidaya salaanta ama xiran saabka afka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category