Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho (RH)- Waxaa la shaaciyay jadwalka doorashooyinka Soomaliya, sida dhismaha guddiyada, deegaan doorashada xildhibaannada, tirada xildhibaannada laga soo dooran doono maamul goboleedkasta iyo reeraha ay kala matali doonaanba.

Go'aankaas ayaa waxaa gaaray madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho.

Madaxdaas ayaa soo saaray Hab-raaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal.

Hab-raacaas ayaa isugu jira isugu jira dhismaha guddiyada kala duwan ee doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah

Guddiga maamuli doona doorashada

Guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada maamul goboleedkasta ayaa ka koobnaan doona 11 xubnood oo sideed ka mid ah ay ka iman doonaan dhinaca maamul goboleedyada halka saddexda kalana ay dowladda federaalka ah soo magacaabi doonto.

Halka guddiga maamuli doona doorashada xildhibaannada Somaliland la sheegay inay soo magacaabi doonto Xukumadda Federaalka ah iyagoo latashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland.

Qodobkanse waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu shalay gelinkii danbe uu guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu saaray warqad uu ku shaacinayo toddoba xubnood oo uu sheegay inay soo xuli doonaan xildhibaannada meteli doona Somaliland. Mana cadda sida la isu qabadsiin doono labadaasi aragtiyood.

Guddiyadaas ayaa la sheegay inay xilkooda ku gudan doonaan si ka madaxbanaan dhammaan mas'uuliyiinta siyaasadda iyo hay'adaha labada heer ee go'aanada gaara.

Image removed.

Jadwalka Doorashada

Waxaa ay madaxdu isku afgarteen in min laba magaalo oo ka tirsan dowlad goboleedyada lagu qabto doorashooyinka xildhibaannada iyo magaalada Muqdisho.

Image removed.

Xigashada Sawirka, .

Heshiiska madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu asteeyay in 10-ka bishan illaa 20-keeda ay labada dhinac ku soo magacaabaan guddiyada hagi doona doorashada.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.

Image removed.

Xigashada Sawirka, .

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyey heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay heshiiskii madaxda ay ka gaareen nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomaysa aakhirka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.

17-kii bishii Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.

Image removed.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

2. Dhimirkiisu u dhan yahay

3. Da'diisu ka yarayn 25 sano

4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go'aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.

5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la'aanta ee hay'adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Xiggasho: BBC

Category