Maxaa ka socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya?

Muqdisho (RH)-Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa maalmahan ka socda shirar albaabada u xiran oo ay lee yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamullada dalka iyo duqa Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii loo magacaabi lahaa xubnaha labada guddi ee diyaarinaya doorashooyinka labada golle ee baarlamaanka.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisayaa guddiyada maamullaya doorashada dadban iyo midka xallinta khilaafaadka.

Illaa hadda saxaafadda looma oggolaan in ay ogaadaan shirka ka socda Villa Somalia, balse warar ay saxaafadda maxalliga qortay ayaa sheegaya in maamullada qaar ay codsadeen in halkii maamul goboleeday la siiyo ilaa afar xubnood.

Dowlad goboleedka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku qanacsan in xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedyada ay noqdaan mid 2 xubnood, oo guud ahaan noqon doono 12 xubnood, waana sidii ay ahaayeen 2016-kii

Sidoo kale, waxa ay madaxda weli xal ka gaarin sida uu noqon doono gudiyadan la magacaabay howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale.

Waxaa kaloo madaxda ay ka hahdlayaan jadwalka doorashada, maalmaha doorashada aqalka sare, golaha shacabka, madaxweynaha iyo weliba kuraasta la geynayo ama la kala dhigayo labada magaalo ee dowlad goboleedyada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogdishu Somalia

Category