Itoobiya iyo South Sudan Oo Wada-Gaadhay  Heshiis Cusub Oo La Xidhiidha Horumarinta Dhaqaalaha

Addis-Ababa(RH):-Dowladaha Itoobiya iyo South Sudan ayaa Maanta Wada-galay Heshiis Cusub oo la Xidhiidha Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka  itoobiya Gedu Andargachew ayaa xafiiskiisa  Shir kula yeeshay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada ee South Sudan Nhial Deng Nhial.

 

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qaababka si wada jir ah loo horumarin karo kaabayaasha dhaqaalaha  labada Dal ,gaar ahaana wadooyinka iyo korontad iyo sidii loo sii xoojin lahaa  xiriirka labada dal .

 

Waxaana intii Uu  Shirkaasi Socday la isla qaatey sidii loo hirgalin lahaa heshiisyo horey loo kala saxeexday oo loogu talagalay in lagu dhiso wadooyin iyo buundooyin isku xira Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan iyo Goobo kale oo Muhiim u ah labada Dal

Sidoo kale labada dhinac waxay  si gaar Ah U lafa gureen suurtagalnimada dadaallo wada jir ah oo lagu dhisayo mashruuca waddada Gambella-Akobo-Bor.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka  itoobiya Gedu Andargachew ayaa sheegay inuu aad Ugu faraxsan yahay inuu  kulanka wafdigan ka socday South Sudan ee doonaya inay sii xoojiyaan Xidhiidhka labada dal.

Wasiirka Madaxtooyada ee South Sudan Nhial Deng Nhial ayaa wuxuu sheegay in isku xidhka labada dal mashaariic horumarineed kaabayaasha kala duwan ay abuuri doonto fursad lagu dardar galiyo howlaha is dhexgalka Bulshada laba Dhinac iyo Kor u qaadida Koboca dhaqaalaha mustaqbalka dhow.

Kulankani waxaa iyguna Goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Jonglei, Denay Chagor, safiirka Koonfurta Suudaan ee Itoobiya, James P. Morgan, Jeremiah Deng iyo Wasiirka Wasaaradda Wadooyinka iyo Buundooyinka Koofurta Suudaan, iyo Xubno kale oo qayb ka ahaa waftiga South Sudan.

 

Category