Itoobiya: Midhihii ugu horreeyay ee tareen qaboojiye leh lagu dhoofiyo

RH Adis Ababa: Intii lagu guda jiray xaflad caleemo-saar oo ka dhacday Portjo Dry Port 22-kii Ogosto 2020, Konteenarkii horreeyay ee abid oo qaboojiye leh  oo miro/Midho ka buuxaan  ayaa lagu rarey tareenka ukala goosha Itoobiya ilaa Jabuuti. Wasiirka Gaadiidka Itoobiya H.E Dagmawit Moges ayaa bilaabay rarida haanta  tareenka iyadoo ay goob joog ka yihiin daneeyayaal ka socda ururro kaladuwan.

Wasiiradu waxay tidhi "Horumarinta Shabakadda Sahayda Qaranka ee Cool waa mashruuc istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaq-dhaqaaqyo badan oo dhaqaale oo ka socda Itoobiya"

 Dawladda Itoobiya waxaa ka go’an  inay horumariso kaabayaasha iyo saadka agabka ee dalka si kor loogu qaado loona taageero wax soo saarka midhaha iyo dhoofinta khudaarta.

Shixnaddan ayaa hordhac u ah horumarka isku-xidhka logistics qabow ee dhoofinta khudradda,

Maadaama oo khudaarta iyo waxyaabaha kale ee lamidka ahi dhexda ku soo xumaanjireen inta aaney kusoo xidhan dekedaha Jabuuti.

Aboubakar Omar Hadi, oo ah gudoomiyaha Maamulka Dekadaha Jabuuti iyo Maamulka Aagaga Xorta ah ayaa ayaa sheegay in uu kamid yahay mid yahay xubnaha guddiga  'Cool Logistics Steering Committee',  kuwaas oo kormeera mashaariicda qaboojinta ee loojistikada Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxakale oo uu sheegay in uu gudian  gudoomiye uyahey Wasiirka Gaadiidka ee Ethiopia iyo safiirka Holland u fadhiya Itoobiya waxaana ay taageersan yihiin aragtida fog ee Ra'iisul Wasaaraha.

Wadashaqeynta u dhaxaysa Itoobiya, Jabuuti iyo Netherlands xubnaha guddiga ah ee loo xilsaarey hogaaminta  waxay kasoo kala jeedaan dalalka  Ethiopia, Djibouti iyo Netherlands.

Mashruucu waa iskaashi ka dhexeeya dawladaha saddexda dal wuxuuna ku saleysan yahay Isfaham Is-afgarad.

Thijs Woudstra, Kuxigeenka Madaxa Howlgalka Safaaradda Boqortooyada Netherlands ee Adis-ababa, wuxuu yiri "iskaashigu wuxuu kulminayaa fursadaha cusub ee dhanka logistikada   iyo kuwa beeraha ee Itoobiya , baaxada bada iyo dakadaha jabuuti  iyo khibradda heer caalami ee Netherlands ee dhanka agro-logistics", ayuu yiri Thijs Woudstra, kuxigeenka Wakiilka Safaaradda Boqortooyada Netherlands ee Adis-ababa.

Category