Farmaajo oo ballan qaaday heshiis kasta oo lagu gaaro Dhuusamareeb inuu ku soo celin doono baarlamaanka

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah khudbad kooban u jeediyay xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa arrimo badan uga hadlay, waxaaana uu baarlamaanka ak hor sheegay in heshiis kasta oo madaxda dowlad goballeedyada uu kula soo gaaro magaalada Dhuusamareeb uu xildhibaannada baarlamaanka dib ugu soo celin doono.

"Waxaa idiin cadeenayaa in halkan aan ku soo celin doono heshiis kasta oo aan la gaarno madaxda dowlad goballeedyada si kaalintiina dastuuriga aad uga qaadataan"ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Kulanka maanta waxaa codsaday madaxweynaha Soomaaliya oo horrey u sheegay in marka uu ka soo laabto shirka Dhuusamareeb uu lakulmi doono xildhibaannada golaha shacabka.

Madaxweynahah oo maanta ka hadlay golaha shacabka

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu weli ku adkeesanayo in doorashada soo socota ay noqoto mid cod iyo qof balse maamul goballeedyada qaar ay ku adkeesanayaan in doorashada ay noqoto mid la mid ah doorashadii 2016-kii.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay heshiis ku saleysan doorashada cod iyo qof ay sannadkii 2018-kii in magaalada Baydhabo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goballeedyada ay ku heshiiyeen.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shirka Dhuusamareeb 3 in kastoo aan la filayo in shirka uu baaqdo maadama maanta la filayay inuu ka furmo halkaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category