Al-Shabaab iyo maleeshiyad kale oo ku dagaallamay Mudug

Muqdisho; (RH)—Wararka ka imaanaya gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in halkaas saaka uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyo deeganka ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay deeganka Shabeellow oo qiyaastii 25km dhinaca bari uga beegan deeganka baacadweyn ee gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadidka dagaalka ayaa saaka waaberigii ku jarmaaday tuulada oo horrey u joogeen maleeshiyo deeganka oo xiriir la leh ciidamada dowladda.

Dadka dhintay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamayay iyo dadka deeganka, waxaa kale oo wararka sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo ka dhashay dagaalka.

Xaaladda deeganka lagu dagaallamay ayaa hadda deggan, waxaana gaaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka halkaas ku sugnaa.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug ee ka arrimiya gobalkaas, laakin Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku jireen sagaal ka tirsan maleeshiyadii ku sugneed tuulada Shabeelow.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category