Ronaldinho: Tobankii sano ee hoos u dhaca Xiddigii Brazil iyo Barcelona iyo sida uu ku galay xabsi ku yaalla Paraguay

Ronaldinho wuxuu qof walba ku xasuustaa xirfaddiisii kubadda cagta ee qeyrul-caadiga ahayd: Cag-wareejin, cidhib ku qaadashada kubadda, baaska aan qofka loo tuurayo la eegeynin iyo iyo dhoollacaddeyntiisa ay ka muuqdeen ilkihiisa dhaadheer.

Sannadihii 2000 ilaa 2011 oo idlil wuxuu xiddiggan u dhashay dalka Brazil kubadda cagta ka dhigtay mid uu siduu doono u maamusho.

Tobankii sano ee lasoo dhaafayna wuxuu helay guulo iyo guul darrooyin ka badan kuwa uu wajihi karo ama maareyn karo ciyaartoy kasta oo ku nool dunida.

Kaddib markii uu 2011-kii ka tagay kooxda AC Milan, isagoo ay da'diisu ahayd 30 sano oo kaliya, wuxuu dhaxalkiisii dhinaca xirfadda uga tagay Neymar - oo ay isku waddan kasoo jeedaan, markaasna isagoo da' yar soo ifbaxay.

Xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu si taariikhi ah ugu guuleystay tartanka Copa Libertadores, wuxuuna kasoo muuqday barnaamijyada Telefishinnada ee Carabta iyo xayeysiimaha suuqyada Ruushka.

Waxa uu xitaa ka qeyb galay filim Hollywood ah oo uu la jilayay atooraha caanka ah ee lagu magacaabo Jean-Claude van Damme.

Sannadkan, wuxuu waayay xorriyaddiisa, munaasabadda sanad-guurada dhalashadiisa 40-aadna wuxuu ku qaatay xabsi ku yaalla waddanka Paraguay.

Dib haddaan u milicsanno sanadkii 2011-kii, markii uu Romaldinho funaanaddii diillimaha madowga iyo casaanka ahayd ee uu u xirnaa AC Milan u baddanay xagal 90 ah, uuna ku biiray kooxda Flamengo, tababarihiisii Talyaaniga ahaa oo lagu magacaabo Massimiliano Allegri wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay "dookh aad u weyn oo dhinaca nolosha ah".

Haddii si kale loo dhigana: 'sababo aan ku saabsaneyn dhinaca kubadda cagta'. Sidaas si lamid ah, labadii sano ee uu joogay kooxda Paris St-Germain waxay u horseedeen ka tagitaan baddalay noloshiisa.

 

xigasho. BBC

Xirfaddiisii way sii yaraaneysay, dulqaadkana wuu kasii dhammaanayay.

Go'aankiisii uu isagoo wali aysan da'da ka daba imaanin ugu wareegay dalkiisa hooyo ayaa aad uga yaabiyay ciyaartoygii ay xulka qaranka iskula jireen ee Rivaldo, kaasoo ay Koobkii Adduunka iskula guuleysteen sanadkii 2002-dii.

"Xoogaa kale ayuu iska sii joogi karay Yurub, laakiin wuxuu qaatay go'aan shakhsiyeed," ayuu yidhi Rivaldo oo la hadlayay BBC Sport.

"Wuxuu dareemay inuu soo gabagabeeyay taariikhdiisa ciyaareed ee halkaas, sidaas darteed wuxuu doonayay inuu soo laabto oo uu si qurux badan kusoo gabagabeeyo xirfaddiisa, isagoo u dhow qoyskiisa iyo saaxiibbadiis."

Intii uu ku guda jiray noloshiisii kubadda cagta, Ronaldinho waligiis kama uusan fogaanin indhaha dadka. Laakiin hadda xaaladda uu wajahayo waa mid aad uga khatar badan wax kasta oo horay usoo maray.

Ronaldinho, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ronaldo de Assis Moreira, wuxuu kusoo koray xaafad lagu magacaabo Vila Nova, oo ku taalla dhinaca koonfureed ee magaalada Porto Alegre ee dalka Brazil.

Hooyadiis Miguelina waxay waxyaabaha la isku qurxiyo kuwareejin jirtay guryaha, halka aabihiis, Joao, uu habeenkii waardiye ka ahaan jiray goob gawaadhida la dhigto oo xaafaddiisa u dhaweyd.

Markii uu walaalkiis ka weyn, Roberto Assis, oo ciyaartoy ahaa, koox rasmi ah heshiis u saxiixay heshiis, iyagoo ay da'dooda tahay 17 sano, waxaa la siiyay guri qaali ah.

Kubadda cagta, gaar ahaan kooxda Gremio, ayaa kaalin weyn ka qaadatay in qoyskan ay kasoo baxaan noloshii faqriga ahayd.

Mar Ronaldinho sanadkii 2015-kii la weydiiyay ciyaartoydii uu ku dayan jiray ayuu warbaahinta FourFourTwo ugu jawaabay: "Walaalkey Asis, Rivelino, Romario, Ronaldo, Rivaldo iyo Diego Maradona."

Isla gurigii qaaliga ahaa ayaa saldhig u noqday musiibo wax ka baddashay noloshiisa, waxayna labada ciyaartoy ee walaalaha ah noqdeen kuwo isku dhow.

Ronaldinho, oo sawirkan laga qaaday February 2000, isagoo ku jira kooxda Brazil ee ka yar 23-ka sano, markaasoo uu wali ka tirsanaa kooxda Gremio

Ronaldinho oo siddeed jir ah ayuu aabihiis wadna xanuun kusoo booday isagoo ku dhex jira waasko ku taallay gurigaas, taasoo uu ku dabaalanayay. Dhowr maalmood kaddibna wuu geeriyooday.

Asis ayaa walaalkiis u sheegay hadalkaas naxdinta leh, wuxuuna halkaas ka billaabay doorka aabbanimada ee xannaaneynta Ronaldinho.

Wuxuu Asis door weyn ka ciyaaray tababarista walaalkiis Ronaldinho iyo inuu mar kasta dhiirrigaliyo. Markii uu 13 sano jiray, Ronaldihno wuxuu 13 gool ka dhaliyay ciyaar lagu qabtay iskuulkii uu dhiganayay.

Afar sano kaddibna, xulka qaranka Brazil ee ka yar 17-ka sano ayuu ka caawiyay inay ku guuleystaan Koobka Adduunka ee ciyaartoyda ay da'dooda ka hooseyso 17 sano.

Markii uu 19 sano jir noqdayna, kooxdiisa Gremio ayuu garab ku siiyay inay ka adkaato kooxdii ay xifaaltami jireen ee Internacional, kaddib markii ay isugu imaadeen ciyaatrii kama dambeysta ee tartanka heerka gobol.

"Waan jeclahay Gremio, xitaa bilaash ayaan ugu ciyaarayaa, waxa ii daran kaliya waa inaan xirto funaanaddooda," ayuu yidhi markii ay ciyaartaas dhammaatay.

Inta uusan u dabaaldagin sanad-guuradiisa 21-aad, Romario oo kaliya ayaa uga horreeyay gool dhalinta horyaalka waddankiisa, taasina waxay sababtay in kooxda Leeds United ay u soo bandhigto la wareegitaan ay ku baxeyso lacag dhan £40m.

Laakiin kooxdiisa ayaa ku gacan seyrtay arrintaas, waxayna darbiga garoonkooda Estadio Olimpico ku dhajiyeen boor ay ku qorantahay: "Ma iibinno ciyaartoydeenna ugu wanaagsan. Ha isku dayin inaad ku adkeysato."

Sanadkii 2001-dii, walaalkiis oo wakiil ka ahaa ayaa oggolaaday inuu u wareego kooxda Paris St-Germain, sidaasna wuxuu ku badiyay taageerayaasha kooxda Gremio.

Markaas wixii ka dambeeyay waxaa caalamka oo dhan laga daawanayay isagoo kubadda boqor u ah. Sanadkii 2002-dii dalkiisa Brazil ayuu ka caawiyay inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.

Hal sano kaddibna, wuxuu u wareegay kooxda Barcelona ee dalka Spain. Halkaas wuxuu kasii waday inuu qabsado kubadda cagta ee guud ahaan Yurub.

Shantii sano ee uu u ciyaarayay arcelona, wuxuu ku guuleystay tartanka kooxaha Yurub ee Champions League iyo labo horyaal oo Spain ah, wuxuuna soo tababaray ciyaartoyga lagu magacaabo Lionel Messi.

Markii uu Ronaldinho dib ugu laabtay Brazil sanadkii 2011-kii, isagoo 2 sano iyo bar la sii qaatay kooxda AC Milan, maamulka kooxda Gremio way cafiyeen - xitaa haddii taageerayaasha aysan cafinin wali.

 

Ronaldinho, oo 2011-kii sawir ku galay taageerayaasha dhexdooda, xilli ay ciyaareysay kooxda Flamengo, kaddib markii uu ka tagay AC Milan

Muddo dheerba wuxuu ka hadli jiray inuu ku laaban doono kooxdiisii carruurnimada.

Madaxweynaha kooxda Gremio, Paulo Odone, ayaa heshiis la galay Ronaldinho walaalkiis Assis. Kooxda waxay diyaar gareysay munaasabad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayo Ronaldinho, oo ay amnigeeda sugayeen boolis iyo milatari, waxaana loo diyaariyay diyaara helicopter ah, laakiin sidaasoo ay tahay ciyaartoygan ma uusan tagin halkaas.

Markii uu Odone ogaaday in Ronaldinho uu ku biiray kooxda Flamengo, wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Assis.

Isagoo oynaya ayuu yidhi: "Toddobo nooc oo qandaraas ah ayuu naga codsaday Assis. Ma garanayo sida qaabkaas wadaxaajood loogu galo. Waan dulqaadannay laakiin xad ayuu leeyahay dulqaadka."

Xilliga uu Odone illinta iska tirayay, Ronaldinho wuxuu 20,000 oo taageerayaal ah kula hadlayay afaafka hore ee xarunta kooxda Flamengo, isagoo u sheegay in uusan usoo laabanin gabogabeyn balse uu magaalada Rio u joogo inuu guuleysto.

"Dad badan waxay dalka ugu soo laabtaan inay soo afjaraan xirfaddooda. Anigu waxaan doonayaa inaan kor u qaado magaca Flamengo ilaa intii karaankeyga ah, aana ku guuleysto koobab badan, taageerayaashana aan jacayl siiyo," ayuu yidhi.

10 bilood kaddib kooxdiisa Flamengo waxay ciyaar ugu martisay kooxda Gremio. Taageerayaasha Gremio ayaa si weyn u aflagaaddeeyay Ronaldingo oo ay usoo qaateen boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyto muujinaya nacayb iyo sawirradiisa, iyagoo ku eedeynaya inuu lacag ka raacay.

Inkastoo ciyaartaas Ronaldinho looga guuleystay 4-2, haddana wajigiisa kama aysan muuqanin wax cadho ah.

Markii la weydiiyay sida uu dhacdadaas u arko, ninkii mar odhan jiray "haddii ay jirto koox aanan la dagaallameynin waa Gremio" wuxuu ku jawaabay: "Haddii aan joogi lahayn garoonka Flamengo codka taageerayaashan lama maqli lahayn dhammaantood."

Guul darrada uu maalintaas la kulmay waxba ma ahayn haddii loo eego taariikhihii uu dhigay xilligaas kaddib, isagoo waliba aan u ciyaareynin Flamengo. Laakiin waxaa xusid mudan ciyaartii lama illoobaanka ahayd ee uu kooxda Neymar ee Santon uga guuleystay 5-4, taasoo saddex gool uu isaga dhaliyay 2 kalena uu caawiyay.

Markii ay ciyaartaas dhacday, kooxda Flamengo waxay sameysay telefoon looga codsanayo taageerayaasha inay maamulka kusoo wargaliyaan haddii ay arkaan Ronaldinho oo baar khamri ku caweynaya.

Jose Carlos Peruano, oo lataliye u ahaa kooxda Flamengo ayaa sheegay in telefoonkaas ay dadka wicitaan ka joojin waayeen, inkastoo uu qiray qaar badan oo ka mid ah inay ciyaar ahaayeen.

Waxaase uusan shaki ku jirin in Ronaldinho uu aad ugu badnaa caweyska iyo baashaalka.

"Ronaldinho wuu ka tirsanaa kooxda Flamengo, laakiin daacad uma uusan ahayn - wuxuu aad u badsan jiray cawyesyada baararka iyo cabista khamriga," ayuu yidhi Peruano.

"Xitaa ciyaartoy laguma tilmaami karo marka la eego sida uu khamriga iyo cawyska u jecl yahay."

Markii ay dhibaatooyin dhinaca maamulka ah oo lasoo darsay Flamengo ay sababeen in mushaarka la daahiyo, Assis wuxuu burburiyay heshiiskii uu Ronaldinho kula joogay kooxdaas, wuxuuna la tiigsaday maxkamad, isagoo ka doonaya magdhow lacageed oo dhan £14m.

Qandaraaskii afarta sano ahaa wuxuu kusoo idlaaday 16 bilood. Afar maalmood kaddibna waxaa la arkay isagoo ku tababaranaya garoonka kooxda Atletico Mineiro.

Calaamaddii ugu horreysay ee muujisay in wax walba isbaddaleen waxay ahayd in Ronaldinho uu oggolaaday mushaar yar, uuna lambarkiisii caanka ahaa ee 10-ka ku baddashay 49, oo ah lambarka sannadkii ay hooyadiis dhalatay(1949-kii)

Wuxuu codsaday inaan soo dhaweyn ballaadhan loo sameynin. "Hadda waxaan galay nolol cusub," ayuu warbaahinta ku yidhi sanadkii 2012-kii. "Markii eedeynta naga badato, waxaan isku daynaa inaan wax kasta baddalno. Halkan waxaan u imid sidaas awgeed."

Sanadkaas kii ka horreeyay ee 2011-kii kooxda Atletico waxay horyaalka ku dhammeysatay iyadoo qarka u saaran in laga saaro tartanka, laakiin Ronaldinho wuxuu sabab u noqday in sanadkii uu ku biiray ay horyaalka ku dhammeystaan kaalinta labaad.

Taas waxay horseedday in kooxdan ay tartanka Copa Libertadores ka qeyb gasho markii ugu horreysay muddo 13 sano ah. Tartankaas wuxuu ka qaatay billadda ciyaartoyga ugu wanaagsanaa.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Ronaldinho iyo Neymar, oo markaas ahaa 20 jir, October 2012, mar ay ku kulmeen ciyaar dhex martay Santos iyo Atletico Mineiro

Ciyaartii kama dambeysta ee tartankaas, oo kooxdan ay gaadhay markii ugu horreysay taariikhdeeda, ayuu Ronaldinho intii uu tartanka socday ka dhaliyay 4 gool, halka 7 kalena uu caawiyay.

Wuxuu noqday koobkii ugu weynaa ee ay kooxda hanato tan iyo 1971-kii.

Ugu dambeyntiina kooxdaas ayaa ku guuleystay koobka. Guushaas waxay Ronaldihno u sababtay inuu gaaro heer uu kaligiis ku yahay.

Wuxuu noqday ciyaartoyga kaliya ee taariikhda ku galay inuu ku guuleystay Koobka Adduunka, Champions League, Ciyaartoyga sanadka ee ugu wanaagsan adduunka, Ballon d'Or iyo Copa Libertadores.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,REX FEATURES

Qoraalka sawirka,

Atletico Mineiro's 2013 victory secured the club's first Copa Libertadores title

Dalka Mexico, oo uu koox uga tirsanaa 9 bilood, ayuu markii ugu horreysay koob ku guuleysan waayay. Sidaas si lamid ah ayuu mar kale koob la'aan ku noqday dalka Brazil.

24 sano ayuu xirfadda ciyaaraha kubadda cagta ku dhex jiray Ronaldinho. Wuxuu si iskiis ah u howlgabay sanadkii 2015-kii, inkastoo ay jireen kooxo doonayay inuu ku biiro.

Si rasmi ahna wuxuu ugu dhawaaqay howlgabnimadiisa sanadkii 2018-kii, isagoo markaas ahaa 37 jir. Xitaa markaas kooxo badan ayaa doon doonayay.

Bishii June waxaa lala xiriiriyay koox ka dhisan dalka Argentina, oo lagu magacaabo Gimnasia, taasoo uu tababare ka yahay Maradona.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Inkastoo ay da'diisa hadda tahay 40 sano, wuxuu wali ku xiran yahay dalka Paraguay.

Waxaasoo taariikho ah kaddib, noloshiisa waxay u soo foorarsatay si lama filaan ah. Dadkii jeclaa xirfaddiisa, taageeradana u hayay hadda uma dulqaadan karaan inay daawadaan isagoo gacmaha ka xidhan.

Bishii March ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay fadeexad ku saabsan lacago la isdaba mariyay.

Isaga iyo walaalkiis Roberto Assis ayaa arrintan loo wada xidhay. Laakiin qareennadiisa waxay sheegeen inuusan wax lug ah ku lahayn dhammaan eedeymaha loo jeedinayo.

Kooxda dacwad oogeyaasha ah ayaa hadda laga dhowrayaa in ay ilaa 6-da bisha September kusoo gabagabeeyaan baadhitaankooda.

Category