Puntland: Imtixaanka dugsiga sare oo markii ugu horreysay ay kaalinta koowaad gashay gabar

Garowe (RH)-Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdilaahi Maxamed Xasan ayaa shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay magaalada Garowe ku shaaciyay natiijada imtixaanka dugsiga sare e 12-aad ee sannadkan la qaaday iyo tirada ardayda ugu saraysa imtixaanka oo ay u fariisteen 16,500 arday.

Wasiirka ayaa shirka jaraa'id ku sheegay inay markii ugu horreysay gabar kaalinta kowaad gashay imtixaanka shahaadiga Puntland ee fasalka 12aad, isla markaana lix gabar ay ku jiraan ardayda ugu sareeya imtixaanka sannadkan.

Gabadha kaalinta koowaad ka gashay imtixaanka ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdikariim Axmed waxay dhiganaysay Iskuulka Al-waaxa ee ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Tobanka arday ee ugu saraysa ayaa waxay kasoo baxeen iskuulo ku kala yaalla gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

Liiska magacyada 10ka ardayda ee ugu saraysa halkan ka akhriso:

Liiska 10-ka ardau ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category