Guddida  U Diyaar-garowga iyo ka Hortagga Coronavirus Oo Soo-Saarey 8 Qoddob Oo Lagaga Gaashaamanayo Xannuunkaas

Hargeysa(RH)Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  u diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus ayaa soo saaray Awaamiir ka kooban Siddeed Qoddob oo ay fareen Guddiyada heer gobol ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka Coronavirus.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Guddidau diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus JSL ay soo saareen Oo u dhignaa sidan:-

“Mudaneyaal sidaad la socotaan Guddida heer qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Coronavirus waxa ay ku hawlan tahay sidii looga gaashaaman lahaa, loogana hortagi lahaa halista xannuunka Coronavirus ee dunidda haleelay, sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in Guddiyada heer gobol ee u diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus ay muujinayaan dedaal dheeraad ah oo ku aadan ka hortaga halista xannuunka Coronavirus.

Sidaas awgeed, Guddida heer qaran ee u diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus iyagoo tixgelinaya shaqada ballaadhan ee aad haysaan iyo dedaalka aad la timaadeen intii hawshan lagu gudo jiray, waxay idin faraysaa inaad wax ka qabataan qoddobadan hoos ku xusan oo lagama maarmaan u ah shaqada la idiin igmaday.

1. inaad meelmarisaan go’aannada iyo talooyinka ka soo baxa Guddida heer qaran ee u diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus.

2.Inaad si mugle bulshada uga wacyigelisaan halista xannuunka Coronavirus, idinkoo adeegsanaya farriimaha ay diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee ku aadan xannuunka Coronavirus.

3. Inaad muddo shan cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa 22 March, 2020 aad magaalooyinka waaweyn iyo meelaha dalka laga soo galo aad ka hirgelisaan goobihii laga hawlgeli lahaa haddii xannuunka laga cabsi qabo uu dalka soo galo; sida goobaha goobaha gaarka loogu hayo dadka (Isolation centers), goobaha dadka lagu daaweynayo (Treatment centers) iyo goobaha dadka lagu karantiilayo (Quarantine centers). Isku duweyaasha gobollada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ka masuul ah jaangoynta iyo tilmaamaha ay yeelanayaan goobaha loo baahan yahay.

4. Inaad si joogto ah uga warhaysaan xaaladda xudduudaha gobollada iyo degmooyinka aad masuulka ka tihiin.

5. Inaad yeelataan kulamo joogto ah oo maalinle ah (Subaxdii iyo habeenkii) oo aad kaga arrinsanaysaan hawlaha la idiin xil saaray.

6.Inaad si joogto ah ula socotaan qiimaha raashinka, daawooyinka iyo agabka kale caafimaad, aadna kulamo joogto ah la yeelataan ganacsatada gobollada iyo degmooyinka aad masuulka ka tihiin.

7. Dhammaan Maayarrada degmooyinka dalka waxa la farayaa inay dhaqaale ahaan kaga qayb qaataan hawlgalada wax lagaga qabanayo ka hortagga iyo u diyaar-garowga xannuunka Coronavirus.

8. Maayarrada magaalooyinka dalka waxa la farayaa inay sameeyaan olole nadaafadeed oo lagu ururinayo qashinka, si kor loogu qaado nadaafada guud ee dalka.

Magacyada Guddida

1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi.

2.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed

3. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed.

4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

 

Category