Mashruuc Lagu Dhaqayo Geela Oo laga Daah-furey  Somaliland

Hargeysa(RH)Shirkada Aw-Xaashi Xoor Geel  oo ah Mashruuc lagu dhaqayo Geela ayaa  laga daah furay deegaanka Beder-wanaag ee degmada Sabawanaag, Shirkadan oo ay maal-galisay Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida qurbajooga reer Somaliland ee dalka Qadar, isla markaasna mudo dheer ka shaqaynaysay horumarinta bulshada iyo arimaha khayriga ah.

Munaasibadan  lagu daah-furaayey shirkada Aw- xaashi Xoor Geel ayaa ahayd madal kulmisay, Siyaasiyiin caan ah ,Madax-dhaqameed,Dhalinyaro iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban kasoo-jeediyey, Siyaasi Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Abaabulka ee Xisbiga Waddani, Md. C/laahi Cismaan Jaamac Geeljire, Muj. Xasan Cabdi Maxamed iyo Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi , Haldoorkan oo dhamaantood ka Marwo Khadra ku hambalyeeyey shirkadan cusub ee ay yagleeshay. Iyagoo isla markaasina bulshada deegaanka  Beder-wanaag iyo Qurba-jooga Somaliland  u soo jeediyey inay ku daydaan Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ay Dalkooda  ka hirgaliyaan mashaariic horumarineed oo Dadka iyo Dalkaba wax u tara.

Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo gaba-gabadii xaflada madasha ka hadashay ayaa ugu horeyn waxa ay u mahadnaqday marti sharaftii kala duwanayd iyo haldoorkii madasha kasoo qayb-galay , Marwo Khadra ayaa sidoo kale xustay inay mashruucan u samaysay sidii ay guud ahaan ugu faa’iidaysan lahaayeen bulshada deegaanka Sabawanaag iyo Cadaadley .

Marwo Khadra Cumar Qardhaas ayaa dhinaca kale waxa ay bulshada deegaanka ku boorisay inay usoo-jeestaan mashaariicda horumarinta ee deegaanka

 

Category