Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gudoomiyey Shirka Sannadlaha Ah Ee Mashuuraca Maamul Daadejinta Ee JPLG.

Hargeysa(RH)Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Shirka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG oo ay goob joog ka ahaayeen Hay’addaha qaadhaan bixiyayaasha iyo Hay’addaha Dawladda ee qeybta ka ah Mashuuraca JPLG.

Kulankan oo lagu falan qeynaayey qorshayaasha Mashruuca iyo sidii loo sii balaadhin lahaa ayaa waxa lagu lafa guray hanaanka ugu wanaagsan ee uu shaqayn lahaa mashruucaasi islamarkaana looga midho dhalin lahaa rajooyinka iyo taabagalnimada uu yeelan doono wajiyadiisa danbe.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu Gudoomiye ka ah mashruucaasi isla goobtaasina ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey doorka wax ku oolka ah ee uu leeyahay mashruucani waxaana uu yidhi “ Waxaa Sharaf weyn maanta ii ah inaan furno oo aan Gudoomiyo shirka aan ku lafa guranayno labadii sannadood ee aynu ansixinay ee fayskii saddexaad ee JPLG-ga innagoo uga socona in sannad tegay in sannadkii wixii inoo qabsoomay iyo wixii inaga dhinmay aan ogaano, iyo sannadka inoo hadhay sidii aan hawsha u dardar gelin lahayn, Shirkani wuxuu inoogu fadhiyaa qiimo weyn qiimaha uu leeyahayna waa inaan ogaano hawsha inta inaga gaabisay iyo inta inoo qabsoontay”

“Runtiina maamul daadejinta waxbarashada iyo caafimaadka oo si fiican u socota dhammaan degmooyinkii laga bilaabay way hanteen adeegyadii loo baahna degmooyin cusubna way ku biireen oo Gabiley oo kalaa kusoo biirtay”

 

Category