Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Kormeerey Kulliyadda Tababarka Macalimiinta

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaraddaasi ayaa kormeer ku tegey Kuuliyadda tabobarka macalimiinta Somaliland oo ay galeen macalimiintii ugu horeysay .

Wasiirka iyo saraakiisha la socotay ayaa kormeer ku sameeyey habsami u socodka waxbarasho ee macalimiinta ku jira kuuliyadda tabobarka macalimiinta ee magaaladda Hargeysa.

Madaxa Kuuliyadda Tabobarka Macalimiinta Axmed Maxamed Caateeye oo goobtaasi ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey wasiirka iyo saraakiisha la socotay habsami u socodka hawlaha shaqo ee Kuuliyada , qaybaha kala duwan ee ay macalimiintu ka kooban yihiin iyo hanaanka ay u qaybiyeen fasalada ay macalimiintu wax ku baranayaan.

Waxa uu Axmed Maxamed Caateeye sheegay in dufcadani dhigatay hal bil, iyaga oo waxbarashadooda bilaabay bishii January ee sannadkan , ayna kuuliyada ka maqnaayeen mudadii ay dugsiyadda dhigayeen, dibna ay ugu soo noqdeen hadda oo ay dugsiyadu fasax ku jiraan.

Af-hayeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa isna sheegay in aanay macalimiintu u baahnayn wacyigelin dheeraad ah balse ay la garab taagan yihiin in ay ku dhiirigeliyaan in ay dhamaystirtaan waxbarashada u bilaabantay oo ah waxbarasho muhiim ah , isla markaasna ay shahaado ku qaadan doonaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in u jeedada ugu muhiimsani tahay in kor loo qaado tayada waxbarasho ee dugsiyada dawladda iyo guud ahaan dalka , isaga oo intaas ku daray  in ay wasaaradda ka go’an tahay  in aqoon buuxda la siiyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa ka waramay siyaasadda ay macalimiinta ka lee dahay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in kuuliyadani ay noqon doonto halka macalimiinta wadanku ay wax ka baran doonto.

 

Category