Xisbiga WADDANI Oo Baarlamanka Ku Bogaadiyey Go”aankii ay ku Diideen Xaaladii Deg-Deg Ahayd

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu soodhaweeyey go’aankii ay maanta Xildhibaannada Labada Aqal  Baarlamanka ee Somaliland Guurtida iyo Wakiilladu ku diideen Xaaladdii Deg-degga ahayd ee uu Madaxweyne Muuse Biixi doonayay in la galiyo Deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu si weyn ugu  bogaadiyey Xildhibaanada Baarlamanka Somaliland  oo aqlabiyaddoodii maanta diidday in ay u codeeyaan Xeerkaasi la hor keenay ee la xidhiidha ansixinta go’aanka Madaxweynuhu ku dalbanayay in uu xaalad degdeg ah galiyo Degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyn iyo Gar-adag.

Dhinaca kale Guddoomiye Cirro waxa uu Muuse Biixi ugu baaqay in uu ka noqdo go’aankaasi oo uu sheegay in aanay dani ugu jirin qaranka isaga oo sheegay in uu ahaa go’aan umadda lagu kala qaybinayo dhibaato weyna lagu abuurayo isaga oo xaaladaha Gobolada Bari ku eedeeyey in ay xukuumaddu ku fashilantay oo aanay xal ahayn xaalad deg-deg ahi.

 

Category