50 Xubnood Oo ka mid Ah Beeraleyda Deegaanka Beer Oo Tababar loo Furay

Burco(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland  ayaa maanta Magaalada Burco Tabobar uga furay 50 xubnood oo ka kala socday beeralayda deegaanka Beer ee gobolka Togdheer.

Tabobarkaasi oo socon doona muddo shan maalmood ah waxa  muddada uu socdo lagu baran doonaa kordhinta tacabka Beeraha iyo maamulka hantida ay gacanta ku hayaan beeralaydaasi. Tabobarkan waxa iska kaashaday hirgalintiisa wasaaradda horumarinta Beeraha iyo hay’adda FAO ee Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qarammada midoobay.

Guddoomiyha Dhulbeereedka Beer Xasan Cali-yare (Beered) oo furitaankii tabobarkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay wasaaradda horumarinta Beeraha iyo Hay’adda FOA. Axmed Nuur Xuseen (Axmed Dheere) oo ka socday Hay’adda FOA ayaa u soo jeediyay ka qayb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan macluumaadka ay ka kasbadaan tababarkan.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Maxamed Cabdi Maxamud (Guray) oo ka hadlay faa’iidada ay dalkeenna u leeyihiin Beeruhu,waxaanu tilmaamay in  xiligan Xukuumadda Somaliland u istaagtay sidii dhulka wax loogala soo bixi lahaa.

 

Category