Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyey Xilka Qaadis iyo Magacaabis

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) Madaxweynuhu wuxuu xilkaasi U Magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax)

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, uu ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland Carfaan Xaamud Cabdoo

 

Category