Ururka SOLJA Oo Soo Bandhigay Tacadiyada Xukuumadu Ku Hayso Warbaahinta Madaxa-Banaan

Hargeysa(RH)Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay falal layaableh oo Xukuumada Somaliland kula dagaalamayso Xorriyadda Saxaafadda Madaxbanaan ee ka howlgasha Somaliland, taasi oo hor dhaceedii lagu arkay maalmo ka hor markii Madaxweynuhu khudbad sanadeedka ka hor jeediyay Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland, iyadoo maalintaas Wariyayaasha laga ururiyay Telefoonada Gacanta lagagana xidhay qalab luminaya Aanteenooyinka, dhacdadan ayaa hor  dhac u ah talaabooyin Xukuumaddu u qorshaysay inay  ku wiiqdo Warbaahinta Madaxa Bannaan.

 

Sidoo kale Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaa uu soo bandhigay Tacadiyada kale ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku  hayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaa kale uu ka Hadley weriyayaal la xidhay, qaar maxkamadaha la horkeenayo bari .

Sidaasi waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ururka SOLJA Waxaana lagu yidhi  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda.

 

Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi.

 

Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan.

 

 

 

Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen.

 

Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso.

 

Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda.

 

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka.

 

Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama.

 

 

 

 

Category