Madaxweynaha DDSI Oo lagu Soo Dhaweeyey Somaliland

Tog-Wajaale(RH)Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Wafti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Wajaalle ee Xudduuda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha,  Hawlaha Guud, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Maamulka gobolka Gabiley ayaa  Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku soo dhaweeyey magaalada Wajaale, waxa kaloo soo dhaweyntaas ka qaybqaatay boqolaal dadweyne ah oo si xamaasad leh u qaabiley Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in weftiga madaxweyne Mustafe Cagjar ay Somaliland u yimaadeen hawlo shaqo oo labada dal la xidhiidha, waxaanu u mahadceliyey dadweynihii sida walaaltinimada leh u soo dhaweeyey. Waxayna soo gaadheen Waftigaasi magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Wafti Uu Hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta bariya ka qaybgalaan Munaasibad lagu dhagax-dhigi doono jidka isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa inta uu ku suganyahay Somaliland waxaa uu la kulmi doonaa  madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Category