U jeedada Kulan Dhexmarey Wasaarada Caddaaladda,Maxkamada Sare iyo Xeer ilaalinta Guud ee Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md.Cabdiqani Maxamuud Caateeye gudoomiyaha maxkamada sare JSL Md.Aadan X. Cali iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Md.Xasan Axmed Adan ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska gudoomiyaha maxkamada sare JSL,

U jeedada kulankan ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa caddaaladda dalka iyo nidaamka garsoorka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha caalamigaa iyo kuwa maxaligaa ee la shaqeeya bahda caddaaladda JSL, sidoo kale kulankan ayaa waxa layskaga waraystay xaalada kala duwan ee garsoorka,maxkamadaha xaalada xabsiyada dalka iyo xeer ilaalinta qaranka sidii loo dardar galinlahaa nidaamka guud ee caddaalada dalka

 

Wasiirka caddaaladda ayaa ka warbixiyey nidaamka cusub ee loo badalayo notaayooyinka dalka kuwaas oo hada laga dhigayo nidaam casriya oo aan la foojar garayn karayn madaama ay notaayooyinku yihiin laf dhabarta caddaaladda wax ugu badan ee maxkamadaha soo gala ama laga garnaqaa ay yihiin heshiisyada hantida guurta iyo ma guurtadaa ee ay qoraan notaayooyinka dalka.

 

 

Category