Wariyaal lagu soo eedeeyay Comment, Like Iyo Share-ta Baraha Bulshada.

Hargeysa(RH)Wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa lix Weriye oo ka hawl gala warbaahinta kala duwan ee dawlada somaliland u haysata eedo la xidhiidha inay ka qayb galeen faalooyin lagu dhaliilay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu baahiyey baraha bulshadu  ku kulanto ee Internet-ka.

Wariyeyaashan ayaa wasaarada warfaafintu ku Amartey inay Deg-Deg ku horyimaadaan guddida anshaxmarinta  ee wasaarada warfaafinta Somaliland

Wariyayaashan ayaa magacyadoodu kala yihiin Siciid Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Mubaarig Cabdi Yuusuf, Muna Ibraahin Dhakhtar, Nasiim  Maxamed Muuse Iyo Cabdicasiis Maxamed Maydhax, kuwaas oo dhamaantood ka hawl gala warbaahinta ay dawladu maamusho ee wargeyska Dawan, Telefishanka Qaranka Iyo Idaacada Radio Hargeysa.

Weriyayaashan  ayaa hortagay guddida anshaxa ee wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland, kuwaas oo lagu eedeeyey in loo haysto Like, Comment iyo Share ay ka bixiyeen faalooyin lagu dhaliilay xukuumada oo baraha bulshada laysku waydaarsaday

 

Wariyeyaashan ayaa  markii ay hortageen guddida anshaxa ee wasaarada warfaafinta somaliland la waydiiyey su,aalo, kuwaas oo haatan sugaya go’aanka ay guddidaasi ka gaadhi doonto waxyaabaha loo haysto.

 

Category