Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Shirkan waa kii 10-aad ee golahan ay yeeshaan tan iyo markii la dhisay, waxaana shirka looga hadlaya arrimo kale duwan.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeybgalaya madaxda maamul gobolleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo duwa Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlayaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, hannaanka doorashooyinka, u diyaargarowga xilliga kala guurka ee ciidamada ATMIS uga baxayaan Soomaaliya, dib u eegista dastuurka waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed,sida uu sheegay afhayeenka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgaleynin madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni, oo maamulkiisa khilaaf ba'an kala dhexeeya madaxda dowladda federaalka.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in shirka la filayo in ay ka soo baxaan wax yaabo dan u ah shacabka Soomaaliya

Shirkan ayaa dhowr jeer u baaqday khilaafka iyo mugdi ka dhex-jira dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho

Shirkan ayaa ku soo aadday iyadoo khilaaf ba'an uu kala dhexeeyo dowladda Itoobiya, waxaana jirta in qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada in aysan ku aragti ahayd dowladda marka laga hadlayo in ciidanka Itoobiya ee ku sugan dalka lagu baddelo kuwa Masar.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category