Xuska ciidamada ee la hadal hayay iyo saddex arrin oo ka soo baxday

Muqdisho (RH)-Munaasabadda maalinta ciidamada Soomaaliya ee todobaadkan sida weyn loo hadal hayay ayaa maanta ka dhacday Muqdisho.

Xuska oo baaqday labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa se ka maqnaa ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xuska maanta ayaa dhowr arrimood uga duwanaa kuwii hore:

Khilaafka Madaxda Sare

Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo labaduba ku sugan Muqdisho ayaa saaka ka maqnaa munaasabadda 62 guurada ka soo wareegtay asaaska ciidanka xoogga Soomaaliya oo ka dhacday wasaaraddda gaashaandhigga.

Tani ayaa muujinaysa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble. Wasiirka gaashaandhigga oo xulafo la ah ra'iisal wasaaraha ayaa muuqaal uu xalay soo duubay hambalyo hordhac u diray ciidamada.

"Ciidamada Qalabka Sida guud ahaan waa hay'ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqti ka dhamaan, sidaa darteed waxaa laga doonayaa iyaga iyo taliyayaashoodu in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana feejignaadaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee waqtiga la dhammaan doono," ayuu wasiirka ku qoray bartiisa Facebook.

Munaasabadda maalinta ciidamada Soomaaliya

Marka la eego halka uu gaaray khilaafka labada mas'uul ee ugu sarreeya dalka, waa muuqatay in xilligan la joogo aysan xaflad ka wada qeybgeli karin.

Warbaahinta dowladda oo tan iyo markii uu khilaafka xoogaystay u janjeertay dhanka ra'iisal wasaaraha ayaa maanta si toos ah u tebisay munaasabadda iyo weliba khudbadda uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo.

Walaaca "afgembi"

Xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay muujinayay walaac ah in Madaxweyne Farmaajo uu munaasabadda maanta uga faa'iideysan doono wax ay ku tilmaameen afgembi milateri.

Taa ma dhicin, oo munaasabadda iyo khudbooyinka la jeediyay waxa ay ahaayeen kuwo caadi ah.

Doodda mucaaradka ayaa ahayd in Farmaajo uu shantii sano xoogga saaray dhismaha ciidanka, isla markaana xuska 12-ka April ay tahay fursad u sugayay.

Warqad xalay ka soo baxday Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa lagu sheegay inay ku talinayaan in dhaqaalaha badane e lagu bixinayo munaasabadda qaarkiis loo weeciyo dadka tabaalaysan ee xaaladu ku adag tahay.

Saacadihii hore ee saaka waxaa Muqdisho lagu arkayay kolonyo gawaarida milateriga ah oo u socda ka qeybgalka munaasabadda xuska 12-ka April, balse ma jirin wax intaa dheer.

Khudbadda Farmaajoiyo waxyaabihii uu ka gaabsaday

Munaasabadda maalinta ciidamada Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday waxa uu ka qabtay dib u dhiska ciidamada, gaar ahaan diiwaangelintooda iyo mushaar siinta.

Khudbadda oo dadka qaar ay u fasireen olole uu Madaxweynaha ku doonayo dib u doorasho, ayaanu marna uga hadlin arrimaha taagan ee doorashada.

Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel xasaasi ah. Afar kursi oo uu celiyay guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa waxaa ka dhalatay in Koonfur Galbeed ay xiriirka u jarto ra'iisal wasaaraha.

Waxaa afartaas kursi kamid ah mid doorashadiisu ay ka dhacday Beledweyne oo uu ku soo baxay taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka, ahna la taliyaha amniga ee Madaxweynaha, Fahad Yaasiin.

Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni lagu dhaariyo xildhibaannada shahaadada qaatay oo uu guddigu sheegay inay tiradooda ka badan tahay 200 oo ka tirsan labada gole.

Lama oga in ra'iisal wasaaraha oo mas'uul ka ah doorashada uu go'aamin doono fadhiistan xildhibaannada labada aqal iyo doorashada guddoonkooda, xilli ay maqan yihiin Koonfur Galbeed iyo 16-ka kursi ee yaalla Garbohaareey.

Xiggasho: BBC

Category