Xukuumadda Oo Boodhadh Ay Magaalada Ku Dhejisay Ugu Jawaabtay Prof Samatar

Hargeysa(RH)Magaalada Hargeysa waxa lagu dhejiyay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada madaxweynihii hore ee Somaliland AHUN Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Kofi Anan oo soo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana weheliya erayo kooban. Laguma sheegin boodhka sababta keentay in shaaricyada Hargeysa xilligan lagu xardho sawirradan laakiin, waxay u muuqata in xukuumaddu kaga jawaabayso hadallo uu jeediyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Boodhka waxa ku qoran weedho ah “Been ma sheegto taariikhdu, ma bukooto taariikhdu, mana baqato taariikhdu, barta oo barta oo barta,” waxaana lagu muujiyay in sawirku yahay mid lagu qaaday xarunta Qaramada Midodobay September 09, 1999 oo ay halkaasi ku kulmeen Kofi Annan iyo Marxuum Cigaal.

 

cf

Muxuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Prof Samatar oo dabayaaqadii bishii hore qayb ka ahaa dood ku saabsan wada hadalka Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland qorin taariikhdeeda iyo doodda cad ee ay dunida hor dhigayso waxaanu tusaale u soo qaatay Kofi Annan oo waydiiyay sidii uu Somaliland tafaasiil uga heli lahaa waxaanu Samatar yidhi “Nin ahaan jiray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Afrikaan ahaa oo magaciisa la odhan jiray Kofi Annan anigu jaamacadda aan joogo ayuu arday ka ahaan jiray oo uu ka soo baxay 1959, markii dambena wuxuu noqday boodhka Jaamacadda ninkii ugu magaca weyna, aniga iyo isaguna labadii Afrikaanka ahaa ee jaamacadda joogay ee la garanayay ayaanu noqonay marka waanu isku soo dhawaanay oo waanu sheekaysanay, sanadkii inaga tagay ayuu yimid Jaamacadayda isaga oo 80 jir noqday marka bishii May ee sanadkii hore wuxuu hadal ka jeediyay machad aan madax ka ahaa markii xafladdii dhammaatay ayuu yidhi ‘inagu aynu is raacno oo gooni uga sheekaysano Afrika’ gurigaygii ayaan geeyay dabeedna wuxuu igu yidhi ‘Samatar ka warran Soomaaliya arrimuhu baryahan xaggee bay marayaan’ dabeed waxaan ku idhi ma waxaad sheegaysa Soomaaliyadii hore mise Soomaaliyada imika, hadda mid Somaliland la yidhaa ayaa jirtee? Markaas ayuu yidhi sidee bay u dhacday taasi? Markii aan wixii u macneeyay ayuu yidhi ‘ waa kuwii Ingiriiska xorriyadda ka qaatay 1960 saw maaha’ saan idhi haa, qisadooda halkeen baan ka akhrista ayuu igu yidhi iyo waxay Soomaaliya uga baxeen iyo waxaas oo dhan? Dee waan waayay.”

Arrintan oo si weyn loogu hadal hayo magaalada Hargeysa iyo baraha bulshada ayaa la dhawraya waxa uu kaga jawaabi doono Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ay u muuqato in ay xukuumadda Kulmiye sii kala fogaanayaan.

 

 

Category