Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Shiidaalkii Uga iman jirey Dalalka Jaarka

Hargeysa(RH)Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa Go”aan ay soo saartey waxay ku joojisay shidaalka dhinaca xuduudaha dalka ka soo gala ee ka yimaada dalalka jaarka.

Aagaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland  Mr. Mustafe Godane Cali Bille, oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay inay joojiyeen shidaalka dhinaca xuduudaha ka soo gala Somaliland, kaas oo uu ku sababeeyey inaan tayadiisa la xaqiijin karin maadaama oo meelaha uu dalka ka soo galo aanu oolin qalabka lagu baadho shidaalku.

Agaasimhuhu wuxuu intaas ku daray inuu khatar ku yahay kaydka haamaha shidaalka Berbera oo uu yaallo laabkii shidaalka lagu baadhayey arrintaasina ay tahay mid qaran, sidaa awgeedna la joojiyey shidaalkii dhinaca xuduudaha ka soo galayey dalka.

Wuxuuna  Ganacstada dalka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan go’aankan, isagoo intaas raaciyey in cidii lagu qabto shidaal sharci darro ah lagala wareegi doono shidaalka, gaadiidka sidaana la ganaaxi doono. 

 

Category