Xukuumada Jsl Oo Ka Howlgashay Dab ka kacay Dhul Beereed ku Yaala Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(RH):-Ciidanka Dab-demiska magaalada Ceerigaabo ayaa hawlgal qaatay todoba saacadood ku damiyay dab qabsaday beero ku yaalla deegaanka beeraha oo 10 Km dhanka koonfureed kaga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Ciidanka dab-demiska ee gobolka Sanaag ayaa gurmadkaas ay sameeyeen waxay ku badbaadiyeen 40 Beerood oo ka agdhawaa halka dabku ka kacay, iyada oo uu dabkaasi gaadhay 10 beerood oo ka mid ah beeraha halkaas ku yaalay.

Badhasaabka Gobolka sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, Duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Taliyaha qaybta ciidanka Booliska  ee gobolka Sanaag Saleebaan Ducaale Warsame iyo dhamaan masuuliyiinta Gobolka ayaa dhankooda gurmad iyo heegan la galay Ciidanka, waaxanay qayb laxaad leh ka qaateen soo afjarida dabkaas, iyaga oo goobtaas ku sugnaa ilaa intii hawlgalku ka soo dhamaanayay.

Sababta dabkaas dhalisay ayaa ahayd beeralayda deegaankaasi oo dab ku shiday Ayax farabaas ku hayay beeraha muddooyinkii u dambeeyay, waxaanay taasi dhalisay in dabkii halkaa ka dhashay ku fido beeraha kale.

 

Category