Xisbiga Waddani  Oo Golaha Wakiilada Ka Dacweynaya Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(RH)Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey inay Golaha Wakiilada dacwaynayaan wasiir ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Oo maanta Shir Jaraa”id kuqabtey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay golaha wakiilada ka dacweyn doonaan wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlaya dacwada ay ka gudbinayaan wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxa uu yidhi ""Warqad ayaanu u qori doona golaha wakiillada aanu ugu sheegayno in ay u yeedhaan wasiirkaasi oo ay waydiiyaan in uu sharraxaad ka bixiyo sababta uu ciidanka Qaranka u reeraynayo, sababta uu askarta la yaqaanay ee waligood ciidanka ahaa ee Qaranka u dagaallamayay ugu sheegayo xisbi in uu caddaynteedii baarlamaanka hor keeno oo baarlamaanku waydiiyo oo baarlamaanku waajibkiisa ka guto,”.

xa

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi wuxuu sheegay in aanay xisbi ahaan la yooyootamin wasiirrada u hadla sida liidata ee meeqaamkeedu ka hooseeyo minqiyaaska laga filanayo wasiirrada iyo siyaasiyiinta dadku ku dayanayaan laakiin, hadalka shalay ahaa mid milgo la’aan ah "Tan shalay waa ninkii maydku ka dhacay ee yidhi ‘hadduu sii go’ay’ oo tii horeba tu ka daran ayuu wasiirku ka hadlay shalay waxaana ka makhraati ah shacbiga Somaliland oo muujiyay sida ay uga xumaadeen ee u diideen oo baraha bulshada iyo meel walba lagu faallaynayay. Dadka qaar baa damiirkoodu nool yahay oo wasiirro dawladda ka tirsan ayaa aniga ila soo hadlay si ay iigu sheegaan arrintaasi in ay ka xun yihiin uu wasiirka xukuumadda afkeeda ku hadlay ku hadlayay,”ayuu yidhi Mudane Khadar.

 

Category