Weriye Cumar Seerbiya oo dib u helay xorriyadiisa

Nairobi (RH)-Weriye Cumar Seerbiya ayaa sheegay inuu dib u helay xorriyadiisa, kadib markii shaley lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, xilli uu ka yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cumar Seerbiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu dibu helay xorriyadiisa, uuna ku wargalinayo ehelkiisa iyo asxaabtiisa in uu hadda yahay xor.

Qoraalka Cumar Seerbiya

Ma sheegin sababta loo xiray, sidoo kale ma cadda sababta loo xiray saxafigan oo sannadihii ugu dambeeyay ka shaqeenayay magaalada Muqdisho, isagoo ka tirsanaa bahda kaybalka TV-ga ee Astaan oo si weyn looga daawado magaalada Muqdisho.

Weriye Cumar Seerbiya ayaa sheegay inuu dib u helay xorriyadiisa, kadib markii shaley lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, xilli uu ka yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cumar Seerbiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu dibu helay xorriyadiisa, uuna ku wargalinayo ehelkiisa iyo asxaabtiisa in uu hadda yahay xor.

Ma sheegin sababta loo xiray, sidoo kale ma cadda sababta loo xiray saxafigan oo sannadihii ugu dambeeyay ka shaqeenayay magaalada Muqdisho, isagoo ka tirsanaa bahda kaybalka TV-ga ee Astaan oo si weyn looga daawado magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category