Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Fariin U Direy Beeraleyda Dalka

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Ayaa Beeraleyda Somaliland Ugu baaqay inay ka faa’iideystaan oo ay badiyaan wax-soo-saarka dhinaca beeraha maada oo lagu jiro xili roobaadkii

Waxaanu Hadalkiisa ku Bilaabay sidan“Waxaan halkan baaq uga diraya shacabka reer Somaliland ee ku hawlan dhinaca wax-soo-saarka waxaa aynu ku jirna wakhtigii wax-soo-saarka roobkiina waa uu inoo da’ay Ayaxa iyo dhibaatooyinka ina heysta waa aynu la tacaaleyna laakiin waxaan ku boorinaya shacabka reer Somaliland in dhanka wax-soo-saarka ku hawlan waa wakhtigii wax la qodayay weeyaan, roob wanaagsana waa aynu heysana marka in dadku wax-soo-saarka libin laabaan”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland

 

Category