Wasiir reer Afghanistan oo ka shaqeeya shirkad cuntooyinka fudud soo saarta

Wargeyska Volkszeitung ee ka soo baxo dalka Jarmalka ayaa warbixin ka qoray halka uu ku dambeeyo Wasiirkii Isgaariisnta iyo Tiknoolajiyadda ee Afghanistan Sayid Axmed Saadaat.

Wasiir Saadaat wuxuu hadda ka shaqeeyaa xarun ay magaalada Leipzig ee Jarmalka ku leedahay shirkad cuntooyinka fudud dadka ugu geysa guryahooda. Waxayna sawir hoose ka qaadeen isaga oo baaskiil kaxeynaya oo dalab u sii wado macaamiil cunto ka soo dalbaday shirkadda.

Sayid Axmed Saadaat wuxuu wataa baasaboor Ingiriis ah. 2005 ilaa 2013 wuxuu lataliye sare ka ahaa Wadaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda. 2013 ilaa 2018 wuxuu ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaan. 2018kiina waxaa loo magacaabay Wasiirka Isgaariisnta iyo Tiknoolajiyadda ee Afghanistan.

Wareysi uu Saadaat wargeyska siiyay ayuu ku yiri "Markii aan Jarmalka imid waxaan codsaday shaqooyin badan, balse ma helin. Riyadeydu waa in aan shaqo ka helo mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Jarmalka. Hadda waxaan rabaa in aan lacag keydsado, oo si fiican wax u barto.”

Dowladda Soomaaliya waxay u dhaqan eg tahay dowladdii Afghanistan ee lagu kala cararay. Cashir iyo cibro ayayna u tahay Soomaaliya oo dadka dowladda xilalka ka haya ay la mid yihiin Wasiir Saadaat. Halkaas oo kale ayuu ku dambeyn doonaa dal kasta oo ay musuqa iyo ninjecleysigu dhaqan ka noqdaan. Soomaaliya jidka Afghanistan ayay hadda haysaa ee tolow halkee Wasiirradeennu ku dambeyn doonaan haddii Xamar lagu kala cararo?

W/Q:Hussein Sabrie

Category