Wasiir Bayle oo sheegay dhaqaale la’aan soo wajahday xukuumada

RH: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliyaa Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in xilligii ay xukuumadda la wareegeen uu dalka ku jiray xaalad dhaqaale oo aad u xun.

"Maalintii Farmaajo dalka imaanayay afar sano ka hor dhaqaalaha waddanka meel xun ayuu marayay waxaana adduunka nagu lahaa lacag dayn ah oo gaaraysa shan bilyan iyo saddex boqol oo kun oo doollar, halka boqol kun oo malyan oo kalana ay Soomaalida nagu lahayd, iyada oo todobo bilood aanan wax mishaar ah anaan shaqaalaha la siinin ayaan nimid." Ayuu yiri wasiir Bayle.

Dhanka kale wasiirka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo wajahday dhaqaale kadib markii wadamada dhaqaalaha siin jirey ay joojiyeen..

“Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

 

xigasho BBC

Category