Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Gobolka Gabilay ka furtay Mashruuc Wax Ka Taraya Wax soo-Saarka Beeraha iyo Cuntadda

Gabiley(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Magaalada Gabilay ka furtay Mashruuc wax ka taraya Wax soo saarka Beeraha iyo Cuntadda.

waxa uu Mashruucani isugu jiraa sadex qaybood oo kala ah Joojinta Ciida iyo Biyaha, Kor u qaadista Wax soo saarka beeraha, Kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo wax ka bedelka tacadiyada ka dhanka ah haweenka Waxaanu Mashruucani soconayaa Mudo sannad ah iyadoo ay ka faa’iidaysanayaan Toban Tuulo oo hoos taga Gobolka Gebilay.

Mashruucan waxaa Maalgelinaya Hay’ada GIZ iyadoo ay fulinayso hay’adda Action Aid oo inta badan ka shaqaysa wax soo saarka beeraha,Waxbarashadda iyo Caafimaadka.

Madaxa Hay’adda Action Aid ee Somaliland Sacdiya Cabdi Cali ayaa waxay sheegtay in Mashruucani salka ku hayo kor u qaadista wax soo saarka beeraha ee Gobolka Gebilay kaas oo ay ku lifaan tahay kobcinta dhaqaalaha haweenka.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo Maayarka Magaaladda Gebilay Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay daahfurka Mashruucan oo kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya Wax soo saarka beeraha iyo Kor u qaadista dhaqaalaha haweenka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali oo Gabo gabadii halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay inay wasaarad ahaan kala shaqaynayaan hay’adaha GIZ iyo Action Aid mashruucan faa’iidada u leh gobolka gebilay iyo bulshadiisa.

 

Category