Wararkii ugu dambeeyay iyo khasaaraha ka dhashay qaraxa Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan boqol qof ayaa ku dhimatay halka ku dhawaad 300 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo shalay lagu weeraray wasaaradda waxbarashada oo ku taalla isgooyska Soobe ee magalada Muqdisho. Waxaana laga cabsi qabaa inay korodho tirada dhimashada iyo dhaawacuba.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xaley booqday isgooyska Soobe ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaareysa ku dhawaad 100 qof halka 300 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana ay tirada dhimashada ay intaa ku badan karto.

" ilaa iyo hadda tirada dhaawaca iyo dhimashada oo weli sii kordheysa, dhimashadu waa boqol dhaawacuna waa 300 ku dhawaad, waa taariikhdii Soobe labaad waaye arrintan waa isla goobtii".

Isbitaallada magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay boqolaal qof oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weeraradii shaley ka dhacay isgoosyka Soobe, waxaana kamid ah meelaha dhaawacyada ugu badan la gaarsiiyay isbitaalka Madiina iyo isbitaalka Digfeer.

Dad badan ayaa xaley tagey isbitaalladaas iyagoo raadinaya ehelooda nolol iyo geeri, dhakhaatiirta iyo maamulada isbitaallada Muqdisho waxay la taacalayaan dhiig yari xoog leh oo soo wajahday kadib markii dhaawacyo xad-dhaaf ah la geeyay halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay inay tagaan isbitaallada si ay dadka dhaawaca ah ay dhiig ugu shubaan.

"Waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsanaya in dadka walaalaha ay dhibaatadu gaartay ee isbi.taallada yaalla in beri dhiig aad u bixisaan, waxaan ku baaqeynaa in isbitaallada dhiig la siiyo la tego dhiig lagu tabaruco".

Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo warramayaa in dhibaatada taagan ay tahay in qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarka aan xaaladdooda dalka waxbo looga qaban karin maadama dhaawacyo culus ay soo gaareen.

Madaxweynaha wuxuu ka codsaday dalalka Soomaaliya saaxibka la ah in dhakhaatiirtoodu ay halkan usoo diiraan iyadoo aan laga gaarin in tiro dhaawac ah oo intaa la'eg hal mar dalka dibaddiisa loogu qaado.

"Caalamka, walaalaha Soomaalida iyo walaalaha kale ee muslimiinta ama saaxibada ah ee caalamka ku nool waxaan ka codsaneynaa, Soomaaliya in dhakhaatiir loo soo diro ka kaalmeysa isbitaalladeena dhaawacyada, dadka tiradoodu intaa la egtahay inooma sahlano in aan dibadda u wada daabulno".

Boqolaal dadweyne ah oo weli raadinayo eheladooda ayaa ku xoomay isgoyska iyo isbitaallada, waxay dadkooda ku ogaayeen isgoyska Soobe oo shaley ay ka dhaceen qaraxyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Illaahay idin kii Oktoober kale ma dhicidoonto.

Burbur xooggan ayaa ka muuqdaa isgoyska oo ay dad badan ganacsi ku hesytaan sida dukaamada, bangiyada iyo xawaaladaha.

Ehelada dadkaas waxay sheegayaan in geeri iyo nolol aysan heyn dadkooda. "Halkan aan joogo waxaa ka muuqdaa burbur xooggan, isgooyska haddaad aragto iyo aagga ku teedsan aad ayaad uga naxeysaa" sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugan isgoyska Soobe.

Xaliima Duuwane oo kamid ah ehelada ay dadka ka maqan yihiin oo dareenkooda aad u xumaa BBC-da u sheegtay inay ka maqan yihiin adeerkeed iyo walaalkeed.

"Shaley sey usoo baxeen ayay ku maqan yihiin raq iyo ruux ma heyno, meydkoodi ma hayno" ayay tiri Xalimo Duuwane oo ooyneysay xilli ay ku sugneyd isgooyska Soobe.

Weeraradii shaley lagu qaaday isgooyska Soobe waxaa sheegtay Al-Shabaab, waxayna sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa wasaaradda waxbarshada ee Soomaaliya.

Xigasho: BBC

Category