WARARKII UGU DAMBEEYAY EE XAALADA DALKA ITOOBIYA

Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada.

Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horeysay isaga baxay magaalada.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin - siddeed bilood kaddib markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dagaalkii u dhexeeyay Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof.

In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalana waxaa ku dhacay macaluul.

Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas.

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalad Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka iyaga oo ridayo baaruud xilli ay sitaan calanka Tigray.

Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socda banaanka hore ee caasimadda Mekelle.

Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.

"Waa inaan hubinaa in cadowga uusan laheyn awood uu ku cabsi galiyo amniga dadkeena mar dambe," ayuu yiri.

Xaaladda ciidamada Ereteria weli ma cadda, in kastoo qaar ka mid ah dadka deggan magaalada Shire ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in Ereteriyaanka ay u muuqdaan in ay u sii siqayaan dhanka woqooyi.

Jabhadda ayaa hadda gacanta ku heysa inta badan gobolka, sida ay sheegtay hay'adda cilmi baarista ee International Crisis Group.

Isgoyska colaadda ?

Markii jabhaduhu dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Mekelle, Raiisel wasaare Abiy Ahmed wuxuu umuuqday inuu haystay fursado yar oo uu dib ula wareegi karay gobolka waxa uuna markiiba ku dhawaaqay xabad joojinta.

Haddaba maxaa jira hadda? Falaagada ilaa hada wey iska indhatireen xabad joojinta ayagoo ku andacoonaya inay damacsan yihiin inay ka saaraan dhamaan waxa loogu yeero "cadowga soo duulay".

Beesha caalamku waxay eegi doontaa in xabad joojinta ay tahay mid isbedel sameyneysa, iyo gaar ahaan, in kooxaha samafalka ay hadda si xor ah ugu safri karaan gobolka si ay gargaar u gaarsiiyaan malaayiinta qof ee aadka ugu baahan cuntada.

Tigray -

• Itoobiya waxay u qaybsan tahay 10 dowlad goboleed oo lagu qeexay sababo qowmiyadeed waxaana lagu sifeeyaa in badankood ismaamul yihiin, balse leh xarumo dhexe

• Sannadkii 2018-kii, ka dib mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday, Abiy Ahmed wuxuu qabtay xilka ra'iisal wasaaraha wuxuuna keenay dib-u-habeyn

• Siyaasiyiin awood badan oo kasoo jeeda Tigray, gobolka waqooyiga ugu badan ee Itoobiya, waxay ku eedeeyeen Mr Abiy inuu isku dayayo inuu kordhiyo awooda federaalka

• Xiriirkii wuu xumaaday ka dib markii ay dowlada ku eedeysay fallaagada Tigray-ga inay weerareen saldhigyada militariga, ciidamada Ethiopia ayaa u dhaqaaqay bishii Nofeembar

• Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalku wuu socday wuuna kordhay ka hor doorashooyinka qaran ee 21 Juun

Dhammaan dhinacyada is haysta ayaa lagu eedeeyay dil wadareedyo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha.

Talaadadii, sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka Robert Godec ayaa sheegay in Washington aysan garab istaagi doonin "ficilada foosha xun ee" ka socda Tigray.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price ayaa sheegay in ku dhawaaqista xabbad-joojintu ay noqon karto mid wanaagsan haddii ay horseeddo tallaabooyin "lagu joojinayo iskahorimaadka, loo joojinayo xasuuqyada, loona oggolaanayo gargaarka bani'aadamnimada ee aan hor istaagnayn"

Qaramada Midobay ayaa sheegtay inay jirto xaalad macluul oo ka jirta waqooyiga Itoobiya taasi oo ay beenisay dowladda Itoobiya.

Maxaa sababay inay Itoobiya ku dhawaaqdo xabbad-joojinta?

Xirsi Cabdulqaadir Maxamed oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaanna Itoobiya, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uusan maanta joogin halkii uu shalay taagnaa, isla markaana ay jiri karaan waxyaabo badan oo ku kallifi kara in dowladdiisu ay ku dhawaaqdo xabbad-joojin.

"Waxaa laga yaabaa in Reer-Galbeedku ay doonayaan inay hoosta ka heshiisiiyaan, in la doonayo in TPLF ay soo xoogeysato kaddibna meel dhexe la isugu keeno, la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo ay qeyb ka yihiin. Arrinta labaad ee dhici karta waa in ciidamada Itoobiya ay xeelad dagaal uga baxeen, kaddibna ay doonayaan inay soo rogaal celiyaan sidaasna dalku uu ku galo colaad sokeeye," ayuu yiri.

"Labadaas xaaladood mid un bay noqoneysaa Itoobiya, uma maleynayo inay xaalad kale jiri karto," ayuu intaas ku sii daray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlad-Goboleedka Qaranka ee Tigray ayaa lagu sheegay in "guul cajiib ah"laga gaaray dagaalka, iyadoo lagu sheegay in Maqalle "ay haatan ku jirto gacan Xoogagga Difaaca Tigray".

Waxay ugu baaqeen dadweynaha iyo ciidamada mucaaradka "inay feejignaadaan, ilaa Tigray gebi ahaanba laga saarayo ciidamada qabsaday".

 

xigasho BBC

Category